U bood dhigaalka

Taliska Ciidamada Asluubta Ee Gobalka Hiiraan Oo Ka Warbixyay Weerarkii Lagu Qaaday Xabsiga Baladweyne

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Asluubta ee gobalka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerar habeenkii xalay ahaa ay Xarakada Al-shabaab ku qaadeen xabsiga dhexe ee magaalada Baladweyne.

Taliye ku xigeenka ciidamada Asluubta gobalka Hiiraan ahna ku simaha xabsiga dhexe ee Baladweyne Gaashaanle Diiriye Axmed oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Al-shabaab ay ku fashilmeen weerarkaasi, ka dib markii ciidamada ilaalada ka hayay xabsiga ay iska difaaceen.

Waxa uu sheegay in uljeedkooda uu ahaa in ay la baxaan rag ka mid ah Al-shabaab oo halkaasi ku xiran, sidoo kalena ay meesha ku burburto sumacadda dowladda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Weerarka ayuu sheegay in Laba dhinac ay kasoo kala qaadeen Al-shabaab, isaga oo mar uu ka hadlayay khasaaraha halkaasi ka dhashayna sheegay in dhankooda ay bad qabaan, balse ay arkeen dhiig badan oo uu tilmaamay in loo maleynayo in dhanka Al-shabaab khasaare uu soo gaaray.

“Sideedii Saac xilli ay ku beegan tahay ayeey Al-shabaab nasoo weerareen iyaga oo damacsan maxaabiis meesha kaga xiran inay la baxsadaan, uljeedkooda kaas ayuu ahaa sidoo kale waxa ay rabeen in sumcadda dowladda ay meesha ku lumiyaan, balse waa la’iska celiyay, iyaga dhimashadooda ma arag, laakiinse dhaawacooda ayaan aragnay” ayuu yiri Taliye ku xigeenka.

Xabsiga dhexe ee magaalada Baladweyne waxaa haatan ku xiran 50 maxbuus oo qaarkood la xukumay, halka kuwa kalena ay xukun sugayaal yihiin, waxaana taliyaha uu sheegay in 28 ka mid ah maxaabiista ay ka mid ahaayeen Al-shabaab.

Goobjoog News