Taliska Ciidamada Booliiska Jubbaland Oo Saldhigyo Ka Sameysanaya Jubada Hoose

Taliska ciidamada Booliiska maamulka Jubbaland ayaa sheegay in bisha soo socota ay guud ahaan degmooyinka gobalka Jubada Hoose, ee ay maamulaan ka dhisi doonaan saldhigyada ciidamada Booliiska, si ay uga qeybqaataan sugidda amniga.

Taliyaha ciidamadaasi Gaboobe Xasan Barre oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in isaga iyo saraakiil ciidan ay ku bixi doonaan guud ahaan degmooyinka Jubada Hoose.

“Waxaan tageynaa degmo walba oo gobalka Jubada Hoose ka mid ah, sidoo kale waxaan rabnaa inaan soo dhisno degmo iyo Tuullo ciidamo Booliis ah, dib u dhis lagu sameeyo saldhigyadii ciidamada Booliiska, mar hadii Milatarigii ay xureen wadaan Booliiska waxaa looga baahanyahay xaqiijinta ammaanka meelaha la qabto” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale Taliye Gaboobe ayaa sheegay in dhawaan ciidamada Booliiska Jubbaland loo soo wado gaadiidka Booliiska oo Qaramada Midoobay ka sugayaan, haatanna ay haystaan gaadiid ay kusii shaqeeyaan.

Maamulka Jubbaland oo dib u doortay madaxweynahooda Afarta Sano ee soo socota Axmed Madoobe, ayaa hadda wada ballaarin maamulka iyo sidoo kale dib u dhiska hay’adaha muhiimka ah.

Goobjoog News

Related Articles

36 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW