U bood dhigaalka

Taliska Ciidamada Dowladda Ee Ceel-buur Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Hayaan Sarkaal Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Ceelbuur ee Galgaduud ayaa sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno ku dhaw degmadaasi ay kusoo qabteen sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha ciidamadaasi Axmed Xasan Caraale ayaa u sheegay Goobjoog News, in shaqsigaan ay qabteen uu ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab ee mudada ka baadi goobayeen halkaasi.

“Ninkaan waxa uu ka mid yahay saraakiisha sare ee Al-shabaab, waxaan kasoo qabannay duleedka Ceelbuur ka dib howlgallo xeeladeysan oo ciidamada sameeyeen, maxkamadda ayaana loo gudbin doonaan, anaga ayaa naqaannay, Labo Sano oo aan meesha joogno waa ninkii nala dagaalami jiray” ayuu yiri taliyaha.

Ma jirto ilo wareedyo kale oo madax bananaan islamarkaana xaqiijinaya hadalka Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Ceelbuur, kaasi oo ku aadan shaqsiga aanu magacaabin ee ka tirsan Al-shabaab misane gacanta ku hayaan.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya waxay wadeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana howlgaladaasi lagu soo qabqabtay dad badan oo lala xiriirnayo Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News