U bood dhigaalka

Taliska ciidamada ilaalada wadooyinka oo ka hadlay shilalka ka dhaca Muqdisho (Dhageyso Wareysi)

Sheeko:Dalka

Taliska Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ayaa sheegay   in bil kasta Magaalada Muqdisho ay ka dhacaan shilal   Gadiid kuwaas oo gaysta dhimasho iyo Dhawac.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Cali Xirsi Bare Cali Gaab ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in shilalkan sabab ay u yihiin aqoon yari haysta wadayaasha iyo mashquulka ka jira wadooyinka Magaalada.

Waxa uu tilmaamay Cali Gaab in sidoo kale Dalka ganacsatadu ay soo galiyaan Gadiid aan u qalmin in lagu dhex kaxeeyo wadooyinka Magaalada Muqdisho

Dhanka kale waxa uu ka hadlay qaabka loo qaado lacagaha ganaaxa ah markii ay qaladka galaan wadayaasha gaadiidka iyo lacagtaasi inta ay la egtahay.

Taliyaha ayaa sheegay in maalintii ugu yaraan ay dhacaan 10 shil taa oo uu sheegay in Laba ka mid ah dhimasho laga yaabo inay tahay, sidoo kalena jiraan dhaawacyo iyo bur bur gaadiid.

Mar wax laga weydiiyay gaadiidka la dhigo dhinacyada wadooyinka iyo caqabadaha ka jira ayuu Cali Gaab sheegay in magaalada oo dhan ay u baahan tahay meeli gaadiidka lagu baakimo, maadaama dadka qudhooda aanay haysan meel ay wax dhigtaan.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysi dhinacya badan taabanaya oo aynu la yeelanay Cali Gaab.

Goobjoog News