U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Soo Saaray Digniin

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka digey in la dhisto dhulka ay leeyihiin ciidanka Asluubta kuna yaalla nawaaxiga Isbitaalka Keysaney duleedka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay taliyaha in ay jiraan shaqsiyaad doonaya in dadka ay ku siraan dhulkaasi oo loogu talogalay in lagu xanaaneeyo maxaabiista, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliye Xuseen ayaa sheegay in cid walbo oo qarash iska gelisa dhulkaasi ay iyadu mas’uul ka noqon doonto khasaaraha soo gaara, dhulkaasina uu yahay mid dan guud ah.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in horey ay digniin ugu direen shaqsiyaadka ku howlan arrimahan, balse ay weli ka dhego fureysanayaan.

Nawaaxiga Isbitaalka Keysaney waxaa ku yaalla dhul aad u weyn kuna dhow halka dhagxaanta laga qodo lagana soo saaro carada ee loo yaqaan Kaawooyinka, waxaana ay dowladda dhexe ugu talo gashay in maxaabiista halkaasi lagu hayo, ayna sidoo kale ka shaqeeyaan.

Goobjoog News