U bood dhigaalka

Taliska ciidanka magaalada Baydhabo oo faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad xalay dhacay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Baydhabo ayaa saaka faahfaahin ka bixiyay iska hor imaad xalay ka dhacay magaaladaasi.

Kornel Mahad Cabdiraxmaan oo ah taliyaha ciidanka booliska ayaa sheegay in iska hor imaadkani uu ku dhacay si kadis ah.

Taliyuhu wuxuu tilmaamay in ay xaqiijiyeen ammaanka magaalada Baydhabo oo ay xal ka gaareen shaqaaqadii xalay dhacday.

Iska hor imaadka ayaa dhacay markii kala shaki uu soo kala dhax galay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku hawlanaa sugida ammaanka iyo kooxo ku sugnaa   xaflad aroos oo kor u ridayay xabadaha taas oo ay kaga qayb qaadanayeen arooska.

Hoos ka dhageyso codka Kornel Mahad Cabdiraxmaan: