U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Ee Gobalka Hiiraan Oo Ku Hanjabay In Al-shabaab Ay Ka Saarayaan Guud Ahaan Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in guud ahaan Xarakada Al-shabaab ay ka saari doonaan meel walba oo ay ka joogaan gobalkaasi.

Gaashaanle Cabdullaahi Cilmi Barre oo ka mid ah saraaskiisha hogaanka u haysa ciidanka xooga dalka ee gobalka Hiiraan ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada ay ku baxeen deegaanno badan oo gobalka ka mid ah, islamarkaana ay qabsadeen deegaano magacyadooda uusan sheegin.

“Ciidamada xooga dalka oo garab sanaya kuwa AMISOM waxa ay ku baxeen deegaanno badan oo gobalka Hiiraan ka mid ah, waxaana qorshaheena uu yahay in Al-shabaab aan ka saarno meel walba oo ay ka joogaan gobalka, waana howlgalkii gobalka oo dhan lagu sifeen lahaa, hadda meelo badan ayaan qabsannay” ayuu yiri Gaashaan laha.

Dhinaca kale Gaashaanle Cabdullaahi ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanada ciidankaan ay ku wajahan yihiin in ay is dejiyaan, islamarkaana la shaqeeyaan ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News