U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xooga Dalka Oo Beeniyay In Al-shabaab Ay Qabsadeen degmada Wanlaweyn

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wararka sheegaya in ciidamada Al-shabaab ay habeenkii xalay ahaa saacado haysteen degmada Wanlaweyn ee gobalkaasi.

Taliyaha guutada Lixaad ee ciidanka xooga dalka Axmed Tareedishe oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin islamarkaana ciidamada xooga dalka ay ku sugan yihiin degmadaasi.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in degmada aanay ku sugnayn wax maamul ah, islamarkaana maamulkaasi uu horay uga baxay degmada Wanlaweyn, oo aanay ka warqabin wax walba oo ka dhacaya waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada xooga dalka ayaa ku sugan Wanlaweyn iyo deegaano badan oo gobalka Shabellaha Hoose ka mid ah, waxaan idiin xaqiijineynaa in xalay aanan ka bixin degmada, oo wax Al-shabaab ah aysan halkaasi imaan, ammaan ayaa ka jira degmada, wararka meelaha lala wareegayana waa mid ay Nabad diidka soo abaabuleen” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale Korneel Tareedishe ayaa mar uu soo hadal qaaday waxa ka jira in ciidamada xooga dalka ay isaga baxeen deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, ayaa hoosta waxa uu ka xariiqay in ciidanka ay jireen meelo xeelad Milatari uga soo baxeen, balse ay dib ugu laabteen.

Xalay ayaa dagaalyahanno ka mid ah Al-shabaab waxa ay weerar ku qaadeen degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabellaha Hoose, halkaasi oo la sheegay in saacado ay heesteen.

Goobjoog News