U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Ee Gobalka Hiiraan Oo Beeniyay In Ay Baneeyeen Deegaanno Ka Tirsan Gobalkaasi

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Xoogga dalka ee gobalka Hiiraan ayaa waxba kama jiraan ku sheegay hadal kasoo yeeray Taliyaha AMISOM ee gobalada dhexe, kaasi oo ku aadan in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay kasoo baxeen deegaanno ka mid ah gobalkaasi.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee gobalka Hiiraan Maxamed Cumar Cabdulle oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa Itoobiya ay weli ku sugan yihiin deegaannada Galbeedka ah oo la sheegay inay faarujiyeen.

Waxa uu sheegay in ay ku sugan yihiin deegaanka Bu’aqable iyo deegaanno kale, islamarkaana wararka sheegaya in deegaanadaasi isaga baxeen ay been abuur tahay.

“Wax bixis la dhaho ma jirto mana soo dhawa, Bu’aqable, Ceel-cali iyo meelo kale anaga ayaa gacanta ku hayna, waxaan nahay ciidanka xooga dalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Ahlu-sunna” ayuu yiri Abaanduulaha.

Abaanduulaha ayaa dhinaca kale ka warbixiyay dagaal ciidamadooda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Bu’aqable, isaga oo tilmaamay in ay dileen rag ka mid ah Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaankaasi.

Taliyaha guud ee ciidamada Midowga Afrika ee gobalada dhexe Soomaaliya Korneel Cabdiraxmaan Cabdow Dhimbil oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in ciidamada ciidamada Itoobiya ay ka baxeen deegaanno ka mid ah gobalka Hiiraan oo dhawaan Al-shabaab laga qabsaday.

Goobjoog News