U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Iyo Maamulka Sh/dhexe Oo Wadahadal u Bilaabay Beello Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka xoogga dalka iyo maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waan waan ka dhex bilaabay beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo abaanduulaha ciidanka Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa ku dhex jira dagaal beeleed ka taagan degaanka Burdheere oo kamid ah degaannada hoos yimaada magaalo xeebeedka Cadalle ee Shabeellaha Dhexe.

Dagaallo u dhaxeeya malleeshiyo beeleed ayaa maalmahaan ka taagnaa degaankaasi halkaas oo la soo sheegayo inay dad ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Saraakiil ka tirsan millateriga dowladda iyo maamullada degmooyin ka tirsan gobolkaasi ayaa qeyb ka ah daminta xiisadahan.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo inoo waramay waxay sheegeen in ay ku rajo weyn yihiin iney soo afjaraan xiisadda u dhaxeysa Labadan beel.

Gobolka shabellaha dhexe waxaa mararka qaar ka dhaca dagaallo u abaabulan qaab beeleed, kuwaasi oo geysta khasaare kala duwan.

Goobjoog News