U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Guul Ka Sheegtay Dagaal Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee gobolka Baay ayaa guul ka sheegtay dagaal ay ciidamada Al-shabaab kula galeen deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolkaasi.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee Qeybta 60-aad Ibraahim Yarow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed iska difaaceen weerar Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanka Goofgaduud Buurey.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in khasaare kala duwan ay soo gaarsiiyeen dhanka Al-shabaab, waxaana dhankooda uu sheegay iney ka dhinteen askar, balse tiradooda waa uu ka gaabsaday.

“Ciidamada xoogga dalka guul aad u weyn bay ka gaareen, dagaallo ay soo qaadeen nimanka nabad diidka ah ee Al-shabaab, waxay weerar kusoo qaadeen xilli salaadda subax lagu jiro deegaanka Goofgaduud Buurey, waan iska difaacnay jab xoogganna waan soo gaarsiinnay” ayuu yiri taliyaha.

Sidoo kale Taliye Ibraahim ayaa sheegay in deegaankii lagu dagaallamey ay haatan ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Dagaal soo noqnoqday ayaa Khamiistii ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Goofgaduud Buurey oo ku dhow deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo qiyaastii 30 Km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Goobjoog News