U bood dhigaalka

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Oo Xarumo Muqdisho Ku Lahaayeen Ku Wareejiyay Hey’adaha Ammaanka iyo AMISOM oo Goobahaas ku haray

Sheeko:Dalka

Xaruumihii ay ku sugnaayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa ayaa lagu wareejiyay Ciidamada Nabas sugida iyo sirdoonka iyo ciidamada Booliska Soomaaliyeed kuwaa oo la wareegay sugidda amaanka goobahaas.

Xaruumaha hey’adaha ammaanka lagu wareejiyay ayaa waxaa ka mid ah xerada Maslax, Warshada Nac Nac iyo xaruuma kale.

waxaana munaasabad lagu qabtay warshada Nac naca ee Suuqa Xoolaha oo xaruumahaasi lagula wareejinayay hey’adaha ammaanka ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Gen C/raxmaan Maxamed Tuur yare,a, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen C/risaaq Khaliif Cilmi, Guddoomiyaha gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab , iyo taliyaha Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir Gen Madaale.

Arintan ayaa timid iyadoo wali goobahaas ay joogaan ciidamada ka socda Afrika ee AMISOM, mana muuqato goorta ay ka bixi doonaan goobahaas.