U bood dhigaalka

 Taliska gobalka Banaadir ayaa amray in la dhiso dhammaan dhismayaashii ku burburay qaraxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho.

Sheeko:Dalka

Jeneraal Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa sheegay in wasaaradda warfaafinta looga baahan yahay inay dib u dhisto dhismayaal ka tirsan Fiyooraha oo ku burburay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay afaafka hore ee hotelka SYL oo ku yaalla ka soo horjeedka guriga madaxweynaha dowladda federaalka.

Sidoo kale wuxuu amar  dul dhigay gawaarida ka shaqeeya waddooyinka Muqdisho ee leh miraayadaha Madow gaar ahaan waddada Makka Almukarrama oo uu ka carrabaabay.

Taliyaha oo ka hadlay xaflad lagu dhagax dhigayey Iskaashatooyinka waxaa uu sheegay in la dhiso goobaha qaraxyada ku burburo, taasi oo qeyb ka ah amni daradda.

Jeneraal Cali Xirsi Barre Cali Gaab waxaa inta raaciyay in caloosha haddii ay dilaacdo u baahan tahay dib u kabid iyo dib u tolid iyagoo ula jeeday in guryaha iyo Hotellada qaraxyada ku burburo la dhiso

Ciidanka Booliiska ayuu sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan shaqada iskaa wax u qabsada ah ee ka dhaceysa Muqdisho.

Taliyaha waxaa uu dadka kula dardaarmay  in shacabka ka qeyb qaataan Nabadda, isagoo soo qaatay in loo baahan yahay in la adkeeyo Soomaalinimada.