U bood dhigaalka

Taliska Milatariga Degmada Jalalaqsi Ee Hiiraan Oo Ka Warbixyay Dagaal Ka Dhacay Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya degmada Jalalaqsi gobalka Hiiraan ayaa ka warbixiyay dagaal habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmadaasi, kaasi oo u dhaxeeyay iyaga iyo Al-shabaaab.

Taliyaha ciidamadaasi Cumar Maxamed Cumar oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerar Al-shabaab ay kusoo qaadeen degmadaasi.

Wax auu tilmaamay in banaanka magaaladaasi ay Al-shabaab soo weerareen iyaga oo watay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse ay ka hor tageen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliyaha ayaa tilmaamay in intaasi ka dib iska horimaad uu halkaasi ka dhacay, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Ciidamada dowladda ayuu sheegay in ay ka dhinteen Laba Askari, sidoo kalena ay dhaawacmeen askar kale.

“Waxaan helnay xog ah in ay weerar soo yihiin, gaari Homey ah ayeey wateen oo walxaha qarxa lagu soo xiray, waxaa halkaasi ka dhacay dagaal, Laba wiil ayaa naga dhimatay, iyagana khasaare ayaan soo gaarsiinay” ayuu yiri Taliyaha.

Al-shabaab ayaa wixii ka dambeeyay bilshada bisha Ramadaan waxa ay xoojiyeen dagaallada ka dhanka ah ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News