U bood dhigaalka

Taliska nabadgalayada waddooyinka Muqdisho oo sheegey in ay dhaceen 1412 shil

Sheeko:Dalka

Cali GaabTaliska ciidamada nabadgalyadda waddooyinka Muqdisho ayaa shaaciyey tirakoobka shilalkii dhacay lixdii bilood ee ugu horeysey sanadka.

Laga soo bilaabo bishii Janaayo illaa bishii Luuliyo sanadkani, shilalka dhacay cel celis ahaan waxa ay dhanyihiin 1412 shir (kun afar boqol, tobon iyo labo shil).

  • 30 ka mid ah waxaa geystey ciidanka booliiska
  • 11 ka mid ah waxaa geystey ciidamadda xoogga dalka
  • 3 ka mid ah waxaa geystey ciidamada AMISOM
  • 16 ka mid ah waa nabad sugidda
  • 4 ka mid ah shilalka waa gaari gacano
  • 113 kale waa mootooyinka
  • 4 waa bushkuleetiyo
  • Ciidamada asluubta wax shil ah ma aysan geysanin
  • 71 qof ayaa shilal u dhimatay
  • 210 ayay soo gaareen dhaawacyo fudud
  • 144 qof ayay soo gaareen dhaawacyo culus

Cali Gaab oo ah taliyaha ciidamada nabadgalyada waddooyinka ayaa sheegey in ay soo kordhayaan wadayaasha baabuurta ee aanan shatiga lahayn, iyada oo hawlgal ay sameeyeen ciidamada 48 saac ee lasoo dhaafay ay kusoo qabteen illaa 20 darawal oo shati la’aan baabuurta kaxaynayay.

Tan iyo intii xasiloonida ay kusoo korortey caasimadda, la dhisey qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho ayaa waxaa soo kordhey baabuurta isticmaalaysa dariiqyada, sidoo kalana waxaa kordhey shilalka dhaca xili astaamihii wadooyinka iyo nidaamkii gaadiidka lagu hagi lahaa uusan dhamaystirneyn.

Googjoog News