U bood dhigaalka

Taliska Qeybta 60-aad Ee Xoogga Dalka Oo Ka Warbixiyey Howlgallo Ay Ka Wadaan Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey howlgal ballaaran oo ay ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha qeybtan, Jeneraal C/raxmaan Maxamed Cismaan ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan oo ah wejiga Koowaad ay Al-shabaab uga saarayaan deegaannada iyo degmooyinka gobolka Shabellaha Hoose.

Wuxuu tilmaamay in howlgalkan uu wejiyo kale leeyahay, balse ma aanu sheegin meesha iyo xilliga ay bilaabayaan wejiyada kale ee howlgalka.

Dhinaca kale, taliye C/raxmaan ayaa sheegay in ay rajeynayaan iney sanad gudahiisa ay Al-shabaab uga saaraan deegaannada K/galbeed.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News