U bood dhigaalka

Taliska Xoogga Dalka oo Sheegay in Al-shabaab Laga Saaray Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo howlgallo ka waday gobolka Hiiraan muddooyinkii dambe ayaa maanta ku dhawaaqay in gobolka Hiiraan ay guud ahaan gacanta ku dhigeen, howlgallo socday wax ka badan sedex bilood oo ay wadeen ciidamada iskaashanay.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federalka aha ee Soomaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, ayaa booqasho ku maraya degaannada laga saaray Al-Shabaab, iyaga oo u kuurgalaya xaaladaha amni ee deegaannada lala wareegay, kuwaas oo dhaca galbeed iyo bariga gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka lugta xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay soo gabagabeeyeen howlgalkii gobolka Hiiraan, isaga oo carrabka ku dhuftay in Al-shabaab howlgalka inta uu socday looga dilay 127 askari sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu sii raaciyay howlgallada ay sii soconayaan.

“Maanta waxaan caddeynayaa inaan soo afjarnay Argigixisadii ku dhuumaaleysanaysay Hiiraan, waxaan rabnaa inaan halkaan ka caddeyno, waddada laamiga ah ee Buulo Burde ilaa Baladweyne in ay furan tahay, oo maanta cadow ku dhex jiraa uusan jirin, waxaan kaliya oo xaqiijinaynaa in aan ka saarno miinooyinkii ay dhagarqabeyaashu  ku aaseen, waxaan rabnaa inaan halkaan shacabka Soomaaliyeed uga sheegno argagixisadu waqtigeedii waa soo dhammaaday kama hareyno waan daba soconaynaa, meesha ay galaan ayaan uga dabagalaynaa, dalka waa laga xoreynayaa” ayuu yiri taliyaha ciidanka lunta.

Taliyaha Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu u mahadceliyay qeybaha kale duwan ciidanka xoogga dalka qeybta ka ah howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaa uu si gaar ah u xusay kuwii ka qeyb qaatay howlgallada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanku ay ku qabsadeen guud ahaan gobolka Hiiraan howlgallo ilaa dabayaaqadii bishii May ee sanadkaan.

“Waxaan rabaa inaan halkaan uga mahadceliya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgalkaan ka qeyb galay, kuwii taakuleynaayay, intaba waa mahadsan tihiin, intii naga Shihiidayna Allah unaxariisto, waxaan rabaa inaan halkaan uga mahadceliyo shacabka reer Hiiraan, meel uu joogo dibad iyo gudahaba, dhiiragelinta ay nala dabataagan yihiin xogta ay ay marweliba ay nasiinayaan, sida ay garabkeenna uga dagaalamayaan ama ay nooga horeeyaan” ayuu sii raaciyay hadlkiisa.

Taliyaha ciidanka lugta xoogga dalka Maxamed Tahliil Biixi ayaa gabagabadii waxaa uu baaq u tiray gobollada kale ee ay ku sugan yihiin Al-sabaab in ay u istaagaan in ay la dagaalamaan sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu sheegay in ciidanka ay diyaar u yihiin in ay garab siiyaan,  si gaar ah waxaa uu u xusay gobollada Bay, Bokool, Gedo iyo Shabeellada Dhexe.

“Gobollada kale ee dalka Soomaaliyeed ee nawaaxiga la leh sida Shabeellaha dhexe waxaan leenahay ka kaca, diyaan baan idiin nahay, inaan idiin garab istaagno, waa tijaabinay tabarta iyo awoodda Al-shabaab, dagaalkaan waa dagaal si aad ah loo qorsheeyay,  oo ciidamada aan saaxiibada nahay, ciidamada xoogga dalka iyo  ciidamada aan ugu yeernay xoreynta iyaga oo isgarabsanay, waxaan horey u samaysanay qorshe midaysan Ilaaheyna waa nagu guuleeyay” ayuu gabagabadii hadlkiisa.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgallada gobolka Hiiraan sheegay in ay ku guuleysteen in ay gacanta kuwada dhigaan, iyadoo ay ugu dambeysay deegaanka Booco oo ay ciidanku shalay la wareegeen, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yusuf Raage ayaa kormeer ku maraya deegaannada ay la wareegeen ciidanka oo muddo dhowr iyo toban sano ah ay ka talinayeen Xooggaga Alshabaab.

Goobjoog News