U bood dhigaalka

Talislka Booliiska oo War Kasoo Saaray Howgallada Caasimadda iyo Mooto Bajaajta

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa warbixin kasoo saaray howlgallo amniga lagu xaqiijinayey oo ciidanku ka bilaabeen caasimadda, kaas oo wajigiisii koowaad lasoo gabagabeeyay, howlgalkaas oo loogu magac daray Sama-kaab, ciidanka ayaa sidookale amar duldhigay gadiidka Mooto Bajaajtaoo iyo ciidanka hubka ku dhex qaadata caasimadda dalka.

Afahayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan oo shir jaraa’id ku qantay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidanku inii ay howlgalka ay ku jireen ay sidoo kale soo qabteen waxyaabaha Maanka dooriya, waxaana uu sheegay in ay siiwadi doonaan howlgallada lagu sugayo amniga lagula dagaalayo falalka dilkaku ah.

“Howlgalkaan waxaa lagu soo qabtay 7 jawaan iyo ka badan oo Xashiish ah, Khamri sidoo kale kor u dhaafaya 100,  Baangadooyin, iyo Tooreeyo la caadeystay maalmahaan dambe bulshada lagu dhaco guryohoodana loo dhaco, sidoo kale waxaa halkaan lagu haayaa Tuugadii dhaceysay Moobilada, kuwii ku waday Bajaajyada, kuwii guryaha u boodaayey ee Qataarada jabinaayay, wajigii koowaad halkaan ayuu ku xiran yahay wajigii labaad ayaa loo gudbi donaan” ayuu yiri .

Afhayeenka oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in ciidanka Booliiska aysoo  saareen go’aanno ku aadan ciidamada xooga dalka ee magaalada ku dhex mara hubkooda iyga oo mararka qaar geysta dhac  iyo dil ay la kulmaan shacabka waqtiyada ay furanayaan wadooyinka iyo sidookale Mootooyinka socda xiliyada habeenkii Saqda dhexe, oo mararka qaar wax lagu dhaco.

“Waxaan ku wargalinaynaa in aysan dhici karin, shaqsi hubaysan oo darees wata inuu dhex lugeyn karin magaalada Muqdisho gudaheeda, iyadoo taliska ciidanka xoogga dalka uu maanta awaamiir kasoo saaray, waxaa lagu war galinayaa in Mooto Bajaajta aysan socon karin wixii ka dambeeyo 12:00 Habeennimo inta uu howlgalku socdo, waxaan rabnaa inaan milkiilayaasha Bajaajyada uga digno in qof aysan aqoon halka uu ka yimid iyo ehelkiisa aysan u dhiibi karin” ayuu yiri.

Hadalka kasoo baxay taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo caasimaddu ay noqotay goob ay aad ugu soo bateen falalka lidka ku ah amniga, waxaa sidoo kale dhowr jeerdhacay dilal iyo dhac ay geysteen dhallinyaro ku hubeysan Tooriyo iyo sidoo kale kuwa ku labisan dareeska ciidanka dowladda, waxaana ugu dambeeyay dilalkii Dharkeenley.

Goobjoog News