U bood dhigaalka

Talisyada Asluubta Africa Oo Ku Shiray Zambia

Sheeko:Dalka

Dalka Zambia waxaa ka dhacay shir ballaaran oo ay leeyihiin talisyada ciidamada Asluubta dalalka Afrika, waxaana shirkan qeyb ka ah Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka qeybgalay, waxaana sidoo kale kulamo uu la qaatay qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidamada Asluubta Africa ee shirkaasi ka qeybgalay.

Taliye Bashiir ayaa booqday xabsi weyn oo ku yaalla dalka Zambia si uu ugu kuur galo hadii halkaasi ay ku jiraan Soomaali iyo sidoo kale inuu soo arko qaabka ay maxaabiista halkaasi ku jirta u noolyihiin, iyadoona xabsigaa uu tagay aanay Soomaali ku xirneen.

Shirkan ayaa ulajeedkiisu yahay kala warqaadasho iyo sidii xiriir ay u yeelan lahaayeen talisyadan, iyadoo Labadii Sano mar la qabto.

Talis ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa hadda isbedallo ka wada xabsiyada dalka, gaar ahaan xabsiga dhexe ee Muqdisho oo hadda lagu soo kordhiyey adeegyo badan oo maxaabiista wax tar u leh.

Waxaa sare loo qaaday waxbarashada maxaabiista, waxay heleen sariiro iyo Joodariyaal ay ku seexdaan iyadoo qol walbo oo maxaabiis ku jirta loo geliyay Koronto iyo TV ay caalamka kala socdaan.

Goobjoog News