Taliyaha AFICOM oo La Kulmay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga Soomaaliya

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee taliska Africa ee “AFRICOM” Gen. Stephen Townsend ayaa maanta kulan waxaa uu la qaatay wasiira Gaarshaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji iyo taliyaha xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka Milatari ee dowladda Mareykanku ay siiso Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa howlgallada ka dhhanka ah Al-shabab oo talisku duqeymaha cirka ah uu ka caawiyo ciidamada xoogga ee Danab.

Kulanka maanta ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dowladda Mareykanka xalay ay shaacisay in ciidankeedii laga saaray Soomaaliya, kuwaas oo gaarayey 700 oo askari oo ciidamada Soomaalida ka caawinayey tababarrada iyo dagaalka ay kula jiraan Al-shabab, iyagoo fariisin kulahaa Garoonka Belidoogle.

Gaashaanle Sare Christopher Karns afhayeenka ciidamada AFRICOM oo wareysi siiyey VOA-da ayaa sheegay in weli ciidamada badan oo Mareykan ah ay ku hareen gudaha Soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in dowladda Mareykanka weli ay taageerayso howlgallada Africa.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW