U bood dhigaalka

Taliyaha Asluubta oo Kala Hadlay Kadib Weerarkii Madaxweyne Xasan, Marna Raali Gelin Ayuu Bixiyey Marna Dalbaday

Sheeko:Amniga

Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad C/raxmaan Aadan ayaa 24-kii saac ee ugu dambeysay kala hadlay isaga oo marna raalli gelin siiyey madaxweyne Xasan Sheekh marna dalbaday in isaga iyo ciidankiisa la raalli geliyo.

General Mahad ayaa sidaasi sameeyey kadib markii ay ciidankiisu xabado ku rideen galabnimadii Axadda gaadiid uu la socday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad C/raxmaan Aadan ayaa xalay waxaa uu yiri “Dhacdada ciidanka asluubta ka dhacday waxay aheyd mid lama filaan ah, madaxweynihii hore ee dalka ilaalo la socotay oo waddada heysay ayaa ogaal la’aan waxaa ku qaldamay ciidankii asluubta..cid looguma talo-gelin, madaxweynaha waan ka raalli gelineynaa”.

Dhanka kale, General Mahad  ayaa waxaa uu saaka ka laabtay raalli gelinta isaga oo yiri “Ciddii tiri aniga ayaa la iigu sugaayey meesha, kalmadda iyada ah raalli gelin haka dhiibeen, waxaan leenahay mas’uuliyiinta waddanka soo martay  ee arrimahaas ku hadlay ciidanka waa ciidankoodii ee raalli gelin ha siiyeen”.

Lama oga waxa sababay kala hadalka taliyaha asluubta, laakin waxaa uu gabagabadii sheegay in ciidanka madaxeweyne Xasan ay xabadda bilaabeen, isaga oo ku hanjabay in cidda xabad rido, xabad kale indhaha laga gelinayo.

Goobjoog News