U bood dhigaalka

Taliyaha Booliiska Mudane Xaamud oo La Dalacsiiyey

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa digreeto uu soo saaray ayuu ku dalacsiiyey taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliye Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxaana la siiyey darajada ciidan ee Sareeye Gaas oo ah tan ugu sareysa.

Wasiirka Amniga gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed  ayaa  munaasabada  ka akhriyay  wareegtada  lagu  dalacsiiyay  Taliyaha  ciidanka booliska, waxaana uu yiri

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, markii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “B” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay sharci Lambar 2 ee soo baxay 23/12/1973 kuna saabsan dhismaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Markuu tixgeliyay soo jeedinta ee Wasiirka Amniga ee ahaa in la dalacsiiyo hal darajo, markuu uu garwaaqsaday mudnaanta uu sargaalkani mudanyahay in ka ladalacsiiyo,waxa uu soo saaray xeerkan uu ku dalacsiinayo Maxamed Sheekh Xasan Xaamud in uu u dalacsiiyay darajada Sareeya Gaas, waxaana marqaati ka nahay in garaadda lagu dalacsiiyay uu taliyuhu heli doono” ayuu yiri Wasiirka Amniga gudaha.

Goobjoog News