U bood dhigaalka

Taliyaha Booliiska Somaliland oo Fariin U Diray Mucaaradka

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidamada  Booliiska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadi( Dabagale) ayaa ka digay in ay mucaaradku sameeyaan Banaanbaxyo, kadib khilaaf xoogan oo soo kale dhex galay xukuumadda talada haysa iyo xisbiyada mucaaradka ah, waxaana uu ciidanka ugu baaqay in ay ka hortagaan iyagoo la fulinaayo amarka wasaaradda arrimaha gudaha.

“Waxaan u diyaar garoobaynaa amniga gudaha oo dhan inaan gacan adag ku qabanyo, cidda doonaysa in ay qalqal galiso, cid kasta ha ahaatee u dulqaadanmaynee labada qacan ayaa isugu gaynaynaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsana waan ka qaadaynaa, laga bilaabo iminka ciidamadeenu heegan ayeynu galaynaa” ayuu yiri taliye Dabagale oo la hadlayay  Booliiska.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa ku dhawaaqay isku soo bax, taas oo ay ku dalbanayaan in Muuse xukuumadda Biixi  ay doorashada ku qabato xiligeeda, tii oo ay jirto in khilaafkaas uu gaaray golaha wakiillada dhexdiisa, Booliiska ayaa ka digay qabashada Dibadbaxyada mucaaradka sida maanta uu ka dhawaajiyay taliyaha guud ee ciidanka Booliiska.

Goobjoog News