Taliyaha Booliska Baladweyne oo Ka Jawaabay Warqad Kasoo Baxday Taliska Booliska Soomaaliyeed

Taliyaha saldhigga Booliska magaalada Baladweyne Gaashaanle DhexeCali Duux Cabdi Mahad-Alle ayaa ka jawaabay warqad kasoo baxday taliska booliska Soomaaliyeed taasi oo lagu amrayay in uu xabsiga kusoo celiyo nin ku eedeysnaa in uu dil ka geystey Baladweyne, kaasi oo warqada lagu sheegey in uu taliyaha xabsiga kasiidaayay.

Cali Dhuux ayaa Goobjoog u sheegey in eedeysanahaasi uu xabsiga ku jiro, been abuurna tahay in uu isaga xabsiga kasiidaayay.

“Waakanaa ninkii gacan ku dhiiglaha ahaa , magaciisu waa Cabdishakuur Cilmi Cabdi , ninka dhinteyna wuxuu ahaa taliyihii miino baarista” ayuu yiri.

Ninka dilka ku eedeysan ayaa Baladweyne dil ka geystey 22-kii bishan Oktoobar.

Taliyaha waxa uu sheegey in ay jiraan dad magaciisa haleynaya oo warar been abuur ah gaarsiinaya taliska booliska, isaga oo codsaday in dadkaasi sharciga la horkeeno.

Dhageyso

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW