Taliyaha Ciidamada Booliiska Oo Kormeeraya Xeryaha Booliiska Ee Puntland

Taliyaha ciidamada Booliiska Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo shalay safar ku tagay magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal ayaa sheegay in uu u kuurgalayo xaaladda ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliiska Puntland Jeneraal Afgaduud oo taliyaha iyo saraakiishii la socotay kusoo dhaweeyay garoonka magaalada Garoowe, ayaa sheegay in taliyaha uu soo arki doono xerooyinka tababarada ciidamada Booliiska iyo sidoo kale saldhigyada.

Jeneraal Xaamud ayaa dhankiisa amaanay saraakiisha ciidamada Booliiska Puntland iyo sida ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Garoowe, waxaana uu sheegay in socdaalkiisaan uu qeyb ka yahay safari uu ku tagi doono dhammaan maamul gobaleedyada dalka ka jira, si uu usoo arko xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

“Waxaa sharaf weyn ii ah in muddo ka badan dhowr iyo soddon sano aan anigu qof ahaan ku soo laabto magaalada Garowe,  anoo hore uga soo shaqeeyay degmada Eyl, si fiican ayaana naloogu soo dhaweeyay aniga iyo wafdigeeyga uu ka mid yahay taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska” ayuu yiri taliyaha.

Ciidamada Booliiska Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay ka cabanayeen mushaar la’aan baahsan.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW