U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidamada Miltariga Jabuuti Iyo Wafdi La Socday Oo Maanta Gaaray Degmada Jalalaqsi Ee Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha guud ee ciidamada Milatariga Jabuuti Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim ayaa maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Wafdigaan waxaa qeyb ka ahaa gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Sababta ka dambeysa socdaalka taliyaha iyo mas’uuliyiinta la socota ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay u kormeeri lahaayeen goobaha ay degi lahaayeen ciidamada Jabuuti ee dhawaan gaaray degmada Jalalaqsi.

Waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen xubnahaan maamulka degmada Jalalaqsi, waxaana ay u balan qaadeen in amniga degmadaasi waxbadan laga bedali doono.

Maxamed Cabdulle Fiidow Ganey oo ah gudoomiyaha Jalalaqsi ayaa u sheegay Goobjoog News, in Taliye Sakariye iyo Gudoomiye Afrax ay kulamo la yeesheen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka, islamarkaana socodkooda ahaa xaqiijinta halka ay ciidanka degeen.

“Waxyaabo badan ayaan kala hadalnay madaxda, waxaana u badnaa wax ay bulshada u baahan tahay, weyna inoo ballan qaadeen wax walba oo aynu weydiinnay inay wax ka qaban doonaan” ayuu yiri gudoomiyaha Jalalaqsi.

Waa markii ugu horeysay oo degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan gaaraan wafdi intaan la eg, tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Goobjoog News