U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo Gaaray Magaalada Balaweyne

Sheeko:Amniga

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka sareeye Guuto  Odawaa Yuusuf Raage oo mudo bil ku dhow kormeer shaqo ku marayay Xarumaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka ee Qaybta 21-aad ayaa soo gaaray Magaalada Balaweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu ku yaalo Taliska Guutada 5-aad ee Qaybta 27-aad

Abaanduulaha Qaybta 27-aad General Saalax Yacquub ayaa wafdiga Taliyaha Xoogga oo ay qayb ka yihiin Taliyaha Qaybta 21-aad General C/casiis C/laahi Cabdi “Qooje” iyo Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad General Mascuud Maxamed Warsame kusoo dhoweeyay Xerada lamagalaay  ee Taliska guutada 5-aad oo ay ku suganyihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga .

Saraakiil saraakiil xigeen iyo Dabley ka tirsan ururada guutada 5-aad ayuu taliyaha xoogga kula hadley xeradan oo booqashadiisani u aheyd Tii ugu horeysay ee mudadii uu Taliyaha Xoogga ahaa ku yimaado halkan .

Hadalka taliyaha xoogga oo ku qotomey waajibaadka adag ee laga rabo Ciidanka Xoogga ayuu ku tusaaleeyay Askartan da’daalka laga sugayo in ay u galaan Xoreenta Deegaanada ka maqan gacanta Dowlada iyo hab muuqaalka wanaagsan ee looga fadhiyo Askari walba oo qaadey masuuliyada qaranka gaar ahaan hab dhaqanka ciidannimo iyo xaq dhowrka bulshada amnigeeeeda masuulka laga yahay iyadoo laga fogaanayo tilaabo walba oo ka baxsan shuruucda ciidannimo .

Taliyaha xoogga ayaa carabka ku adkeeyay in la joogo waqti Xoogga dalku isbadal balaaran ka sameeyay dhanka soo kabashada Awooda Hugaanada kala duwan sarena loo qaadey fursadaha askari walbaa ku heli karo Xuquuqaaadkiisa oo mushaarku ugu horeeyo si ka sareysa sanadihii hore .

General odawaa Taliyaha Xoogga ayaa si gaa ah u dhageystay duruufaha u gaarka ah Ciidamada Guutada 5-aad isagoo balan qaadey in taliska Xooggu ka jawaabayo baahiyaha loo soo gudbiyay iyadoo masuuliyad kastaba cidii loo dhiibay lagula xisaabtamayo .

In ka badan labaatan cishe oo taliyuhu kormeerkiisan ku howlanaa ayuu ku booqdey Xarumaha Ciidanka Xoogga Sida  Taliska Guud ee Qaybta 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb , Taliska Guutada 13-aad ee Cadaado , Dugsiyada Tababarada ee Harqaboobe iyo Uruuris ee Qaybta 21-aad , iyo Fadhiyo kale oo ciidamadu ku leeyihiin Gaalkacyo iyo Caabudwaaaq ee gobolka Galgaduud.

         Goobjoog News