U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Amniga Muqdisho

Sheeko:Amniga
Taliayaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmad Firin ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay amniga, shirka ayaa waxaa ku wehlinayay Taliye ku-xigeenka Cusman Cabdulaahi Maxamed (kanif) iyo saraakiisha qeybta Booliiska gobolka Banaadir, taliyaha ayaa amarro kale duwan siiyay qeybaha ciidanka.
Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga caasimadda, oo maalmihii dambe ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah oo ay qeyb ka ahaayeen ciidan ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya, gaar ahaan Booliiska iyo Nabad Sugidda, waxaana aad loo gorfeeyay sidii wax looga qaban lahaa dhacdooyinkaan kusoo laablaabtay caasimadda.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sulub ayaa dhamaan sarakiisha laba ciidan ku Amrey in aya tallaabo Ka qaadaan dadka ku lugta leh dilalka ka dhaca magaalada oo mararka qaar ay geystaan shakhsiyaad ku labisan dareeska ciidan, taas oo keentay in shacabku ay walaac ka muujiyaan kalsoonida ciidanka ammaanka ee magaalada.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli magaalada caasimadda ah ee Muqdisho 48-kii saac ee tagtay ay ka dhaceen falal kale duwan oo ay qaarkood ku lug lahaayeen ciidanka Booliiska sida dhacdadii ka dhacay Isgoyska Siinaay iyo sidoo kale dil ka dhacay Isgoyska Soobe, oo askari uu toogtay wade Mooto Bajaajle midna uu dhaawacay
Goobjoog News