U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Danab oo Beeniyay in Askartiisu ay Qeyb Ka Yihiin Dagaalka Laascaanood

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidanka Kumaandooska ee Danab ee xoogga dlka Soomaaliyeed Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare oo bayaan soo saaray  ayaa beeniyay jiritaan in askar ka tirsan Kumaandooska  qeyb ka yihiin dagaalka ka dhacaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo xoogagga SSC.

War qoraal ah uu taliyaha ciidanka Kumaandooska ee Danab ku baahiyay bartiisa Twitterka ayuu ku beeniyay wararka la faafiyay ee ah in ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Danab iney qeyb ka yihiin dagaalka ka socda Laascaanood, isagoo xusay in Maxamed Sulaymaan oo ku dhintay Laascaano kasoo mid noday ciidanka Danab.

Waxaa muhiim ah inaan kala caddeeyo in shakhsiga lagu sheegay warbixinnada dhawaan la daabacay ee ah Maxamed Sulaymaan inuu hore sarkaal uga soo noqday ciidammada Danab ee milateriga Soomaaliya, uuna sababo isaga u gaar ah uga tegay shaqada 2021, Waxaan xaqiijin karnaa inuusan ninkaasi wax howl ah oo rasmi ah u hayn ciidammada Danab waqtiga uu ku dhimanayay dagaalka ka socda Laascaanood” ayuu yiri Taliyaha Danab Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare.

Taliye Baryare ayaa sidoo kale sheegay  in ciidanka Danab u jeedkoodu inuu yahay la dagaalanka kooxaha argagixisada, islamarkaana aysan suurtagal aheyn in laga weeciyo ujeedkaasi oo ay ka mid noqdaan dagaalada salka ku haaya arrimaha qabiilka, hadii taasi ay dhacdana askarigii sameeya uu ku weyn doono xubinimadiisa.

“Waxaan doonaynaa inaan hoosta ka xariiqno in ciidammada Danab aanay ka weecan doonin ujeedadaas, sidoo kalana aanay ka qeybqaadan doonin iskudhacyada qabiillada iyo arrimaha qabaa’ilka la xiriiraba.”ayuu  markale sii raaciyay hadalkiisa isaga oo ka jawaabayay hadallo ku aadan in Danad ku jiraan dagaalka Laascaanood.

Maxamed Sulaymaan  wuxuu mar soo noqday taliyaha ururka afaraad ee guutada kumaandooska ah ee Danab, kuwaas oo saldhigoodu yahay xerada ciidamada Ballidoogle ee uu Maraykanku gacanta ku hayo, waxaana uu hadalkaan imaanayaa xilli talisku sheegay in Maxamed isaga tagay shaqada 2021, isaga ku dhintay dagaalka.

Goobjoog News