U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Lugta oo Booqday Deegaanno Al-shabaab Lagala Wareegay

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidanka lugta ee xooga dalka Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa gaaray deegaanka Teedaan ee gobalka Hiiraan oo dhawaan aay lawareegeen ciidanka xooga dalka oo garabsanaya dadka deegaanka.

Taliyaha waxaa safarka ku wehliyay saraakiil katirsan CXD oo uu kamid yahay taliyaha qeeybta 27aad Gen. Tawane Gurey.

Saraakiishan waxaa deegaanka Teedaan kusoo dhaweeyay wasiirka amniga Hirshabelle iyo gudoomiyaha gobalka Hiiraan oo halkaas hore ugu sugnaa.

Wasiirka amniga Hirshabelle Maxamed Cabdiraxman Kheyre ayaa u mahadceliyay saraakiishan sida aay u garab istaageen shacab, waxaana uu amaanay dadaalada socda.

Gen. Biixi ayaa booqday furumaha hore oo aay ku suganyihiin ciidanka xooga dalka iyo ciidanka deegaanka kuwaas oo dagaal adag kula jira Alshabab.

Deegaannada Teedaan, Ragso,Xasan Raqay,Sulmo oo hoos taga degmada Maxaas, waxaana sedexdii sano ugu dambeeyay gacanta ku haayay Al-shabaab.

Goobjoog News