U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Puntland: Annaga Cidna Weerar Kuma Nihin

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka Puntland Saciid Maxamed Xirsi (Saciid Dheere) oo ka hadlay dagaallada ka socda magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ka maamul ahaan aaney cidna weerar ku ahayn.

Wuxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xoog ciidan loo bedalo dhisme yar oo la isku qabtey, balse wuxuu sheegay in aysan iyagu gacmaha ka laaban doonin cid walba oo Puntland kusoo xadgudubta.

Taliyaha ayaa tilmaamay in haddii muran soo galay lahaanshiyaha dhulka ay Puntland maxjarka ka dhisaneyso siyaabo kale lagu wada hadli karey bedalkii la dagaallami lahaa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Haddii lahaanshiyo dhuleed tahay sharci iyo nidaam baa jira, laakiinse ma ahayn in Galmudug xoog ciidan u bedasho, anniga waan ogahay sida dhulka loo kala  leeyahay wax badanna waan u joogey heshiiskii ay wada galeen C/laahi Yuusuf iyo Jeneraal Caydiid, aniga waxaan ahaa shaqsigii billaabey in dadku isku yimaadaan, waxaan furay wadadii heshiiska ee xilligaasi si maslaxdda loo keeno” ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha oo hadalkiisa sii watey ayaa yiri “Wixii horey loogu heshiiyey ma ahayn waxa hadda socda, waxay ahayd in dadku nabad ku wada noolaadaan oo aayahooda ka wada shaqeeyaan, laakiinse ma ahan waxyar haddiiba la dhisayaba iney qori awood ka dhigtaan, marka waxaan is leeyahay dhankaasi waxaa ka maqan taariikhda heshiisyadii la galay, balse waxaan leeyahay walaalahay Galmudug nabadda hala qaato oo dhibka hala daayo”

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale barakac.

Goobjoog News