U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Ka Badbaaday Qarax Ismiidaamin Ah

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa ka badbaaday weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay nawaaxiga wasaaradda difaaca ee magaalada Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lala eegtay gaadiid uu la socday Taliye Cirfiid, xilli ay marayeen inta u dhaxeysa Kulliyada Jaalle Siyaad iyo wasaaradda gaashaandhigga.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintey 5 ruux oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in qaraxa Labaad uu ka dhacay isla halkaasi, balse lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay qaraxa Labaad ee goobta ka dhacay.

Taliye Cirfiid ayaa badqaba sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

6-dii bishan madaxweyne Farmaajo ayaa taliyaha ciidanka xoogga dalka u magacaabay Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, iyadoo madaxweynaha uu ku dhowaaqay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News