Taliyaha Guud Ee Daraawiishta Puntland Gen. Siciid Oo Isu sharaxay Hoggaanka Puntland Isagoon Is-casilin!

Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taaganyahay doorashada madaxtinnimada Puntland ee sanadka soo socda, Gen. Siciid Dheere ayaa go’aanka qaatay isaga oo weli ah Taliyaha guud Ee Daraawiishta Puntland.

Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere)  oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri “Waxaa waayadan dambe dhankeyga ku soo badanayey talo iiga imaaneysa bulshada Puntland qeybaha kala duwan isimmada, cuqaasha, aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, taladaas oo ah in aan ka mid noqdo mas’uuliyiinta u tartameysa hoggaanka Puntland sanadka 2019-ka.

Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere)  ayaa Sababaha uu isu soo sharaxay waxaa uu ku sheegay sarreynta sharciga oo hoos u dhacday,  isaga oo intaasi raaciyey “ markaan arkey dhaqaalaha dalka meesha uu marayo, markaan arkey amniga dalka meesha uu marayo, markan arkey arrimaha bulshada dhan dhaqan iyo dadweynaha, markan arkey cawadga Puntland oo daafaha deegaannada ka soo fidaya, markaan arkey colaadaha ka dhex aloosan beelo ka mid ah deegaanka, waxaan garwaaqsaday in baahi weyn loo qabo hoggaamiye ku dhaqa shacabka reer Puntand midnimo, cadaalad iyo sinnaan”.

Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), waxaa uu ugu dambeyntii sheegay inuu doonayo inuu reer Puntland uga faa’ideeyo khibradiisa 40 sano iyo inuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee ka nool aasaasayaashii Puntland.

Waxaa xusid mudan in Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere)  uu weli yahay Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland, taasi oo su’aalo ka keeni karto dhex-dhexaadnimada ciidanka, oo lagu yaqaano inay ka fogaadaan siyaasadda, isla markaana ilaaliyaan danaha dalka, dadka iyo diinta.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW