U bood dhigaalka

Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada oo Muqdisho Qarax Lagula Eegtay

Sheeko:Amniga
Warark aan ka helayno degamada Hodan ayaa waxaa ay sheegayaan in qarax nuuca miinada ah lala eegtay sarkaal ka tirsan   ciidanka booliiska Soomaaliyeed, xilli uu marayay meel aan ka fogeyn kulyadda ciidamada ee Jaalle siyaad.
Gaashaanle Sare Maxamed Daahir Abdulle taliyaha guutada ilaalada Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Muhiimka ah ee VIP ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa qaraxa waxaa uu haleelay mid kamid gadiidkiisa ilaalada.
Taliyaha ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka badbaaday weerarka ,oo ahaa md loola dan lahaa  in lagu qaarijiyo , walow ay jiraan khasaare soo gaaray qaar kamid ah ilaalada la socotay taliya.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaxa ku geeriyooday askari ka mid ahaa ilaalada taliyaha iyo qof shacab ah goobta marayay, sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray labo askari oo kale iyaguna ilaalo u ahaa taliyaha.
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa inta badan ka dhaca weeraro loo adeegsado qaraxyada miinada dhulka lagu aaso, waxaana inta badan lagu weeraraa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Al-shabaab ayaa sheegata mas’uuliyadooda.
Goobjoog News