U bood dhigaalka

Taliyaha milateriga Soomaaliya oo baaq u diray xarakada Al-shabaab

Sheeko:Dalka
Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indho qarshe)
Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indho qarshe)

Taliyaha ciidanka xooga dalka ayaa xarakada Al-shabaab ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan cafiskii ka soo yeeray golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indho qarshe) oo ka hadlayay howl galada dalka ka socda ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay gaartay guulo la taaban karo sida deegaano iyo hub a ka qabsadeen xarakada Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in uu ugu baaqayo dhalinyarada xarakada Al-shabaab in ay qaataan cafiskii golaha wasiirada ka soo yeeray habeen ka hor.

Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo baxay kulan ay Muqdisho ku yeesheen habeen hore lagu sheegay in dagaalyahanaada xarakada Al-shabaab loo fidiyay muddo ku siman 45 cisho oo ay isugu soo dhiibaan dowladda.

Hadalka ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli ciidamada is garabsanaya ee dowladda iyo AMISOM ay guluf dagaal ku qaadeen deegaano badan oo ay hore u joogeen xarakada Al-shabaab, kuwaas oo ay ugu dambeyn si buuxda ula wareegeen sida degmooyinka Buulo mareer, Kuntur waareey iyo Jalalaqsi.

Hoos ka dhageyso codka Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indho qarshe):