U bood dhigaalka

WAR DEG-DEG:Taliyaha nabad sugidda dowladda Soomaaliya oo xilka laga qaaday

Sheeko:Dalka
Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)
Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

War deg deg ah oo goor dhow soo gaaray war qabadka Goobjoog FM ayaa sheegaya in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay xilka ka qaaday taliyihii nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Kulan deg deg ay oo maanta Muqdisho ay ku yeesheen golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga qaaday Sanbaloolshe xilka.

Waaa masuulkii ugu horeeyay ee muddo kooban gudaheeda looga qaado xilka taliyaha nabad sugida dowladda Federaalka Soomaaliya, Sanbaloolshe ayaa xilka kala wareegay Bashiir Goobe iyada oo aan la ogeyn sababaha keenay in xilka laga qaado masuulkan.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa noqday qofkii saddexaad ee qabta xilkan tan iyo markii madaxwayne Xasan Sheekh la doortay.