U bood dhigaalka

Kismaayo:Taliyaha nabad sugidda maamulka KMG Jubba oo la dhaawacay

Sheeko:War

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xalay gdaha Kismaayo lagu dhaawacay taliyaha nabad sugida maamulka KMG Jubba Gaboobe Xasan Barre.

Taliyaha ayaa dhaawacmay kadib markii ay is rasaaseeyeen ciidamada mileteriga iyo nabad sugidda maamulka KMG Jubba.

Saraakiisha maamulka KMG Jubba ayaa ka gaabsday in ay ka hadlaan dhaawaca soo gaaray taliyaha.

Taliyaha qeybta booliska maamulka Korneyl Maxamuud Qaalib Cali oo aan la xiriirnay ayaa diiday inuu wax hadal ah ka bixiyo arrinkan.

Gaboobe Xasan Barre ayaa lagu bedelay Ciise Kaamooni oo hore loogu dilay gudaha magaalada Kismaayo.

Lama oga sababta keentay is rasaaseenta dhex martay labada ciidan.