U bood dhigaalka

Taliyaha Nabad Sugidda Oo Ka Hadlay Sababta Al-shabaab u Weeraraan Hoteelada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo lahadlay Idaacadda VOA ayaa faah faahin ka bixiyay arrimo badan oo ku saabsan amniga magaalada Muqdisho, weerarkii Hotelka Saxafi iyo hadii ay jiraan qorsheyaal amniga lagu sugayo.

Waxa uu sheegay in wasaaradda amniga ay qorsheynaysay arrimo badan oo amniga guud ee magaalada Muqdisho lagu xoojinayo, isaga oo dhinaca kale ka hadlay sababta keentay in xilligaan bartilmaameed ay Al-shabaab ka dhigtaan Hoteello ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Amarada wasaaraddu ay qorsheeneysay waxaa ka mid ah amarro xoojinaya amniga, lala hadlayo dadka Mehradaha gaarka loo leeyahay leh, gaadiidka leh, qaabka ay magaalada usoo galayaan, qaabka loo baarayo, Hoteelada gaarka loo leeyahay dadka is kaleh qaabka ay amniga u sugayaan tallaabooyinka laga rabo inay qaadaan iyo arrimahaasi waxyaabo ku saabsan, maadaama aan cadowga uga guuleysannay xarumaha muhiimka ee dowladda inay baryahaan bartilmaameedsadaan, oo meelaha bartilmaameedka u ah ay tahay meelaha shacabka sida maqaayadaha shacab leeyahay iyo Hoteelada shacabka, waxaan ku qasbannahay inaan dhufeyskaas Labaad ka bixinno, hadii aanay shacabka mehradahaasi leh aysan nala shaqeyn, talooyinka la siinayana aysan qaadan lagama bixin karo, marka amarada ay wasaaradda amniga bixineysay waxay ahaayeen kuwo sidaas oo kale ah”

Taliyaha ayaa la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd waxa diiddan inay kahortagaan weerarada, bedalkii ay tagi lahaayeen markii falka uu dhacdo, waxaana uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan Isku dayo badan oo ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa nabad sugidda kahortageen.

“Dadku waxay arkayaan ama maqlayaan waxa dhacaya oo kaliya, nasiib darro anaga oo Profishinalka inoo diidaya inaan mar walba soo bandhigno waxa laga hortagayo, waxaan hubaa waxa dhacaya wax ka badan baa laga hortagaa 90%, tusaale ahaan markaan kuu soo qaato sanadkaan November 2014 ilaa November 2015-ka waxaa laga hortagay marka tiro ahaan loo dhigo qarax, baabuur qarax ah, Bambo meel la gelinayo iyo qof qof dilaya guud ahaan waxay gaarayaan 209 isku day oo dad lagu dili rabay, qaarkood meel lagu qarxin rabay hadde 209 isku day oo laga hortagay marka loo barbardhigo waxa dhacay Seddax u jibaar meel xitaa ma dhaba, marka farqiga u dhaxeeya waad garan kartaa, waxa laga hortagayo ayaa ka badan, ciidamada wey shaqeeyaan xogaha waa la hayaa waxaa jira barnaamij dariseen ah, dagaalka wadanka dhan ayuu ka socdaa, caasimadda kaliya ma ahan, dadka qaar waxaa u muuqata meelaha madow, laakiin annaga waxaan leenahay horay ayaan u soconnaa, wixii dhici jiray marka loo eego waxa dhacaya shaqo iskuma lahan, 60% ka badan ayeey hoos u dhaceen hadii ay noqon lahayd qaraxyadii, isku dayo dadka la dilayo, hadii ay noqon lahayd Bambooyinka, waxaad la socotaa eeriyada dowladda maamusho ee xarumaha dowladda ku yaalla wixii ka dhici jiray, muddo sanad kahor gawaarida dadka iska dili jiray ma dhicin, waad la socotaan 8 bil ee lasoo dhaafay eeriyada dowladda u badan tahay gaari inta qof dilay iska baxay, ama qof inta qof dilay iska cararay ma jirto, magaalada oo dhan meel walba ciidan baa taagan kuwo muuqdo iyo kuwo aan muuqaan baa xaafadaha ku jira, dhufeyso badan baan cadowga ka bixinay, laakiin Labadii bil ama Seddaxdii bil mar intaas oo shey marka laga fashiliyo hal shey ku guuleystaan micnaheedu ma ahan inaanay shaqo socon, waxaan leenahay Soomaalida wanaagga la qabtay ha u muuqdo”

Sidoo kale Taliye Tuur Yare ayaa la weydiiyay sababta xilligaan keentay in Xarakada Al-shabaab ay iska bartilmaameedsadaan Hoteelada oo qaarkood dad shacab ah ay leeyihiin, ayuu sheegay inay ka dambeysay ka dib markii ay ka niyad jabeen dhulalkii laga qabsaday iyo sidoo kale qaabka ay ciidamada dowladda u wadaan howlgalada Al-shabaab ka dhan ah.

“Sababtu waxaa weeyaan markii dhufeysyo badan laga bixiyay oo goobihii ay heesteen dowladda Soomaaliya ciidamadeeda ku guuleysteen inay ka saaraan meelo yar la’isugu soo reebay hamigoodii baa jabay, markii uu hamigooda jabayna dhul ay difaacdaan ama meelo waaweyn wey iska dhaafeen, xoogga waxay saareen meelaha halbowlaha u ah bulshada inay waxyeello u geystaan meelaha shacabka iyo suuqyada, qof aan dhul difaacaneen, ka fikireen inuu guuleysto ee u fikiraya kaliya meel shacab isugu yimid sida Hoteel, Maqaaya ama Suuq uu qarxiyo waad garan kartaa, marka sababta waxa u ah waxaa weeyaan in meelahaan oo kale ay bartilmaameedsadaan waa iyaga oo hamigooda jabay, kusoo uruuray meelo yar oo kooban oo aan rajeeneyn inay guuleystaan, Laxda Markii ay dhimaneyso aad bay u rafasho kulushahay, annaga waxaan ku xisaabtameyno waa in wax walba aan wax ka baranno, waan ka barannay, inaan yareenno baan doonaynaa”

“Laba dagaal baan ku jirnaa mid lagu dhisayo hay’adihii amniga iyo mid looga hortagayo cadowga, howlaha wacyi gelinta wey socdaan shacabkeenna sidii shalay waa uu ka fiican yahay, xogaha waxa laga helo waa isaga, waxa guryaha kasoo saaraya waa isaga, inyar oo aan weli wacyiga gaarin baa jirta iyagana wey ku socdaan, xarumo arrimahaasi qaabilsan baa la sameeyay, abwaanadii qaranka baa shaqeynaya, wasaaradii warfaafinta wey shaqeynaysaa, dadka waxaan u sameynnay taleefanno caadi ah, maalin walba xogag ayeey dadweynuhu inoo soo sheegaan, waxaan ku howlgalnaa xogag ay inoo soo sheegaa dadweyne dalkooda u damqanaya, dhanka kale arrimaha kale ee sirdoonka waa shaqada ugu badan ee socota, guryaha looga saaro (Shabaab), dadku waxay arkayaan oo kaliya ciidan muuqda, shaqadeena 20% ma dhama ciidanka muuqda waxaa ka badan shaqada ka badan ee socota, hal dhacdo oo dhacday dadkeena kuma niyad jabayaan horay ayaana loo socdaa, mararka qaar qaladaad baa dhacaya daruufta aan ku shaqeyneyna awgeed oo ah Hay’ado aan dhisneyn oo hadda gacan lagu dhisaya gacanna lagu dagaallamayo, waad la socotaa wadanka Ciraaq waxa ka dhacay, maalintii Seddax iyo Afar baa ka dhacaya oo qaraxyo ah, marka annaga Soomaaliya waa nalagu amaanaa, hay’adaha aduunka ee aan la shaqeyno waxay dadka leeyihiin idinkoo ka qalab yar hadana qaabka aad wax u wadaan waa qaab lagu dayan karo, sida aad wax u yareeyseen waa qaab wax laga qaadan karo” Tuur yare ayaa sidaasi yiri.

Ugu dambeyn Taliyaha ciidamada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa la weydiiyay hadii ay jiraan istiraatiijiyad la dejiyay misane looga hortagi karo weerarada la midka ah midkii lagu qaaday Hotelka Saxafi iyo sidoo kale hadii ay jiraan qartaro hadda muuqda.

“Koolley qorshe baa jira, waxa ugu muhiimsan waxa weeyaan waxa maanta la wajahayo waa gaari, qaraxa iyo qofka qaraxa, Istiraatiijiyadda Koowaad waa qalab, qalabkaas dolwadda qaar wey heshay qaarna waan sugeynaa, waxaa kaloo ka mid ah barnaamij yada dariseenta, waxa kaloo jira kuwo gobalada lagala dagaallamayo, waxaa kaloo ka mid ah in dadka niyadda jabsan ee iyaga kasoo baxaya lasoo dhaweeyo, shalay waxa socday waxay ahayd markii ay dhul badan haysteen qaab bay ahayd, hadana wey ka duwanaaneysaa istiraatiijiyadda, waxaan rajeynayaa xilli dhaw in lagu kala bixi doono, inta nimankaan noolyihiin inay qarax soo abaabulaan wey jiraysaa, inay soo diraan qof ay qaldeen iyo qarax ay gaari kasoo buuxiyeen wey jiraysaa, ilaa hadda waxaan aaminsannahay wadamada dhibkaan ka jira inaan annaga uga roonnahay, hadii ay wax dhacaan xitaa ciidankeena waa diyaar waxayna u diyaarsan yihiin in shacabka ay badbaadiyaan, meel lagu faano  ayaan mareynaa, meel ciidamadeena lagu sii dhiira geliyo ayaan mareynaa, ciidamadeena ma niyad jabsana” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Taliye Tuur Yare.

Xarakada Al-shabaab ayaa 1-dii bishaan waxay weerar ku qaadday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News