Taliyaha NISA Oo Su’aalo Lagu Weydiinayo Xarunta Baarlamaanka Federaalka
Sheeko:War

Xarunta baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa goordhaw ka furmay kalfadhii 7aad kulankiisii 41aad iyadoo u shir guddoominayo kulanka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Xubnaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta ajandaha horyaalla uu yahay sii wadidda mooshiinkii ammaanka oo in muddo ah ย horyaallay xubnaha, iyadoo hadda ay u socoto xubnaha baarlamaanka su’aalo weydiinta taliyaha sirdoonka qaranka ย Gen. C/raxmaan Tuuryare.
kulanka baarlamaanka ayaa saxaafaddu dibad joog ka tahay, iyadoo la filayo in mooshinka ammaanka maanta la soo afmeero, go’aanana laga soo saaaro.