U bood dhigaalka

Taliyaha NISA Oo Su’aalo Lagu Weydiinayo Xarunta Baarlamaanka Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xarunta baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa goordhaw ka furmay kalfadhii 7aad kulankiisii 41aad iyadoo u shir guddoominayo kulanka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xubnaha golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta ajandaha horyaalla uu yahay sii wadidda mooshiinkii ammaanka oo in muddo ah  horyaallay xubnaha, iyadoo hadda ay u socoto xubnaha baarlamaanka su’aalo weydiinta taliyaha sirdoonka qaranka  Gen. C/raxmaan Tuuryare.

kulanka baarlamaanka ayaa saxaafaddu dibad joog ka tahay, iyadoo la filayo in mooshinka ammaanka maanta la soo afmeero, go’aanana laga soo saaaro.