U bood dhigaalka

Taliyahii Ciidamada Dowladda Ee Deegaanka Xawaadleey Oo Ku Geeriyooday Dagaal Ka Dhacay Deegaankaasi

Sheeko:Dalka

dagaal-11Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maleeshiyaad ayaa ka dhacay deegaanka Xawaadleey ee ku dhaw degmada Balcad ee gobalka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkaan ayaa sababay geerida Taliyahii ciidamada dowladda ee deegaankaasi, kaa oo lagu magacaabo Cumar Xasan, waxaana dagaalkaan la sheegay in uu daba socodo dagaalo horay halkaasi uga dhacay.

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka ee gobalka Shabeelaha Dhexe Sheekh Axmed Xaaji Ibraahim oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in saaka xaaladda ay degan tahay islamarkaana waan waan qay socoto.

Dhinaca kale deegaanka Xawaadleey waxaa ku wajahan gudoomiyaha gobalka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe, kaa oo ka qeyb qaadan doona xasilinta deegaankaasi.

Deegaanka Xawaadleey waxa uu 35 Km u jiraa degmada Balcad, waxaana dhowr jeer horay ugu dagaalamay Maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan iyo ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News