U bood dhigaalka

Taliyahii ciidamada ilaalada xarunta golaha shacabka oo la bedalay

Sheeko:Dalka

Xilli Seddax maalin oo uu fashil iyo buuq ku soo dhamaaday kulankii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadana warar ay heshay Goobjoog FM waxay sheegayayaan in la bedalay Taliyahii ciidamada ilaalada u ah xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ku simaha taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cusmaan Cumar Wehliye Gas Gas, ayaa lagu bedalay Gaashaanle Sare Xasan Jaamac Guuleed (Aboor) oo ahaa taliyahii ciidanka Ilaalada xarunta Baarlamaanka.

Xilkaan cusub ayaa loo dhiibay Gaashaanle Qaasim Xasan Fiidoow oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo aan la sheegin sababta arinkan ka dambeysa.

Ilo wareedyo ku dhaw xarunta golaha shacabka oo diiday in magacooda aan baahino ayaa inoo sheegay sida Arintani ay u dhacday.