U bood dhigaalka

Taliyahii Ciidamada Nabad Sugidda Degmada Afgooye Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Taliyahii ciidamada Nabad sugidda degmada Afgooye ayaa lagu soo waramayaa in uu u geeriyooday dhaawac shalay kasoo gaaray weerar la sheegay in rag hubeysan oo Isbaaro dhiganayay ku qaadeen gaadiid uu la socoday.

Taliyaha oo lagu magacaabayay Liibaan Abukar Yuuyuu ayaa ku geeriyooday Isbitaalka habeenkii xalay ahaa, ka dib dhaawac halis ah oo soo gaaray.

Sidoo kale weerarkaa lagu qaaday gaadiidka uu la socday Taliyaha waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay Askar kale oo ka tirsaneyd ilaaladiisa.

Weli maamulka gobalka Shabellaha hoose kama aanu hadal dhacdadaan, hase ahaatee tani ayaa imaanaysa xilli ammaanka deegaanno ka mid ah gobalkaasi uu faraha kasii baxayo.

Goobjoog News