U bood dhigaalka

Taliyahii Xabsiga Dhexe Ee Jubada Hoose Oo Xilka Laga Qaaday, Xabsigana La Dhigay

Sheeko:Dalka

Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Daahir Afrax ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in xilka laga qaaday taliyahii xabsiga dhexe ee gobalka Jubada Hoose Nuux Xuseen Cismaan, ka dib markii uu ku eedeeyay inuu sii daayay askari ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo maxbuus ahaa.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in taliyaha uu sameeyay ku takri fal awoodeed, islamarkaana uu sii daayay maxbuus ku eedeysnaa dhaawacyo culus oo uu geystay, iyo dhibaato uu soo gaarsiiyay Hooyadiis.

Sidoo kale waxa uu sheegay in taliyaha uu askarigaasi si qarsoodi ah kusii daayay, ka dibna uu magaalada Muqdisho usoo diray waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Aniga oo ah xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida, aniga oo gudana waajibaadka sharciga ii igmaday waxaan si sharci ah xabsiga ku dhigay taliyahii xabsiga dhexe ee Jubada Hoose, xilkana uga qaaday, annaga oo xilkiisa si KMG ah ugu dhiibnay ku xigeenkiisii” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Sidoo kale xeer ilaaliyahan ayaa sheegay in wasaaradda arimaha gudaha iyo taliyaha ciidamada Jubbaland ay u direen qoraal ah in degdeg ay kusoo magacaabaan taliyaha ciidamada Xabsiga dhexe ee Jubada Hoose.

Goobjoog News