U bood dhigaalka

Taliye Biixi” Ajaanib iyo Horjoogayaal Ayaa Lagu Dilay Baxdo”

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidanka lugta xoogga dalka Janeraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baxdo ee Bariga gobolka Galgaduud, waxaana uu sheegay in dagaalkii dhacay lagu dilay horjoogayaal iyo ajaanib ah oo ka tirsan Alshabaab, xilli uu lahadlaayay warbaahinta qaranka.

Janeraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa tilmaamay in dadka deegaanka iyo ciidanka Daraawiishta Galmudug ay ka warheleen in dagaalamayaasha Shabaab soo  degeen deegaan dhanka koonfur bari ka xigta magalada, isagoo intaa ku daray in dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada ay ka hor tegeen dagaalka ay soo qaadeen.

“Cadowga duulaanka ku soo qaaday Baxdo waxaa loo geystay jab aad u xoogan, markii dadka  deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ay iska caabiyeen ayaa waxaa kaloo goobta gaaray ciidamo gurmad ah, kuwaasi oo dhagarqabayaasha uga daba tegay qiyaastii meel 27 km u jirta magalada, halkaasi oo jab xoogan loogu geystay, lagana dilay dilay ajaaniib iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab, waana bogaadinaynaa guulaha wadajir ah, waana bogaadinaynaa guulaha wadajir ah ee laga gaaray dhagarta ay maleegayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab”” ayuu yiri Bixii xilli uu hadlaayay.

Magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa maalinimadii shalay waxaa ka dhacay dagaal ku dhaxeeyay Alshabaab iyo dadka deegaanka oo kaashanaya ciidanka xooga dalka, waxaana Galmudug ay sheegtay in dagaalkaas lagu dilay in ka badan 70 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaabkii soo weeraray magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News