U bood dhigaalka

Taliye Cali Gaab “Degmada Dayniile Waxaa Ku Dagaallamay Maleeshiyaad”

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska gobalka Banaadir ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in askar ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta ku dagaallameen nawaaxiga Jaamacaddii Gahayr ee degmada Dayniile.

Taliyaha Booliiska gobalka Banaadir Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo goor dhaw la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan qaabka dagaalkaasi u dhacay, waxaana uu tilmaamay in ay halkaasi ku dagaallameen Maleeshiyaad.

Ciidamo Booliis ah ayuu sheegay in ay tageen halka falkaan uu ka dhacay, kuwaasi oo wada tirakoobka saxda ah ee khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay inuu maqlay dhimashada 5 qof oo canug yar uu ku jiro iyo dhaawaca 12 qof kale.

Cid walba oo falkaan ku lug leh ayuu sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono, islamarkaana Booliiska ay wadaan dadaallo arrintaasi ku saabsan.

Ugu yaraan 10 qof ayaa maanta ku geeriyootay goob lagu bixinayay kaararka lagu qaato raashiinka, ka dib markii uu iska horimaad dhex maray ciidamo la sheegay in dowladda ay ka wada tirsan yihiin, iyadoo khasaaraha halkaasi ka dhashay uu intaa ka badan karo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News