U bood dhigaalka

Taliye Hore oo AMISOM ah oo Dacwad Lagu Waayay

Sheeko:Dalka

Hassan KimbowaTaliye horey oga tirsanaa ciidamada nabad illaalinta Afrika ee AMISOM ayaa maxkamad ku taala dalka Uganda oo ciidan ayaa siideysey sargaal sare oo ka tirsan ciidamada dalkaasi, islamarkaasina ka mid ahaa taliyeyaashii AMISOM.

Ninkani oo lagu magacaabo Lt. Col. Hassan Kimbowa ayaa horey maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Uganda ay ku xukuntey xabsi 10 bilood ah, kadib markii sida la sheegey uu leexsaday shidaal ay ciidamada lahaayeen.

Balse maxkamadda racfaanka ciidamada ayaa xukuntey in ninkani la siidaayo, islamarkaasina wax dambi ah lagu waayay, waxayna intaasi ku dartay in maxkamaddii horey xukunka u riddey aysan wax caddeymo ah heynin.

Goobjoog News