U bood dhigaalka

Taliye Ku Xigeenka Booliiska Puntland Oo Lagu Dhaawacay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in rag ku hubeysan Bistoolado ay dhaawac u geysteen taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska Puntland Jaamac Saxardiid.

Taliye ku xigeenka ayaa la sheegay inuu kasoo baxay Hoteel uu ka deganaa magaalada Boosaaso, islamarkaana la weeraray isaga oo ku suagan sida la sheegay goob shaaha laga cabo.

Ragga weeraray taliyaha ayaa la sheegay iney ahaayeen Labo nin, waxaana weerarka kadib u suurtagashay in goobta ay ka baxsadaan.

Taliyaha oo lagu dhuftey sida Goob joogayaal inoo sheegeen 5 xabad ayaa mid kamid ah waxay uga dhacday madaxa, iyadoo dhaawaciisa uu halis yahay.

Taliyaha la dhaawacay ayaa ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay ciidamada Puntland ee weerarka ku qaaday degmada Qandalla ee gobolka Bari, halkaasi oo ku dhowaad Bil ay maaamulayeen ciidamada Daacish.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News