U bood dhigaalka

Taliye Ku-xigeenkii Booliiska Magaalada Baladweyne oo Lagu Dilay Buundoweyn

Sheeko:Amniga

Kooxo hubeysan ayaa galinkii dambe ee maanta magaalada Baladweyne waxaa ay ku dishay Allaaha unaxariistee Taliye ku-xigeenkii Hore ee Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne Taliye Nuur Xasan Bidaar .

Dilka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay xaafadda Buundoweyn ee  Baladweyne, kooxihii dilka fuliyay ayaa isga baxsatay, ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa howlgallo ka sameeyay xaafadda.

Dilka ka dhacay magaalada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyaadoo muddooyinkii dambe howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ciidanka ay ka wadeen xaafadaha kale duan ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Goobjoog News