U bood dhigaalka

Taliye Maxbuus Biyo Ku Dilay oo Xukun Lagu Riday

Sheeko:Amniga

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku riday Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo taliye xigeen hogaanka Sahanka iyo Wardoonka (Hangashta) ee ciidanka xoogga dalka, kadib markii lagu soo eedeeyay dilka marxuum Aadan Gaarac Habarwaa.

Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ah eedeysanaha ayaa waxaa 23 February Sanadkan, biyo ku  hafin uu ku dilay marxuumka geeriyooday, xilligaas Aadan waxa uu u xernaa Qarax lagu Dilay taliye Ururkii 28-aad ee ciidanka xoogga dalka oo lagu dilay degmada Dolow ee Gedo.

Maxakadda ayaa Cabdullaahi Maxamed Cosoble waxaa lagu xukumay bixinta mag adag oo ah tii Marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo 5 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu fadhigii maxkamadda ka sheegay, guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qalabaka sida.

Goobjoog News